(QAAYIB MEDIA)-xuutiyiinta yaman ayaa maanta oo jimce ah sheegay iney gantaal la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee binguuriyam.
afhayeenka jamaacadda ansaari-laahi ayaa sheegay in baltimaameedkooda uu ahaa mid sidii loogu talagalay ufulay iyaga uga jawaabaaya duqeymihii diyaaradaha yuhuudu ay la beegsadeen sanca iyo xuddeyda, iyaga oo sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan bartilmaameedsiga gumeysaha yuhuudda.
Hadal laga sii daayey telefishinka ayuu yaxye sariic (afhayeenka jamaacadda ansaari-laahi) wuxuu sheegay in gantaalku gaaray bartilmaameedkiisii saxda ahaa inkasta oo ay yuhuudu qariyeen , waxaa sidoo kale howlgalkaanu ka dhashay burburka diyaarad drone ah .
yaxya al-sariic wuxuu sidoo kale sheegay in la bartilmaameedsaday markab taagnaa meel udhow jasiiradda suqatra oo uu ku eedeeyey shirkadda iska leh in ku xad-gudubtay mamnuucidda ka dhanka ah maraakiibta yuhuudda iyo xulufadeeda.
ciidanka yuhuudda ayaa sheegay iney qabteen gantaal laga soo tuuray waaberigii saaka dhinaca yaman laakiin ay xuutiyiintu ay sheegeen iney bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha binguuriyam
weerardaan isdaba joogga ah aya imaanaaya waqti ay sii xoogeysatay xiisadda udhexeysa xuutiyiinta iyo yuhuuda iyo xulafadooda .
+ There are no comments
Add yours