Dowladda soomaaliya oo ceyrisay safiirkii dowladda sweden ee soomaaliya.
dowladda soomaaliya ayaa ceyrisay safiirkii dowladda sweden u fadhiyey soomaaliya anna Saleem Högberg iyada oo ku eedeysay iney faragelin ku sameysay arimaha gudaha ee soomaaliya wargeyska global bar ayaa qoraal uu daabacay ku sheegay in ceyrinta mss Högberg persona non grata oo loo adeegsado qofka aan dalka laga rabin. warbixinta ayaa intaas kusii dartay in khilaaf xooggan uu udhexeeyey Högberg iyo xafiiska Ra,iisal wasaaraha soomaaliya soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyada oo la saadilanayo in arintaani ay noqan karto mid xumeysa xiriirka udhexeeya Soomaaliya iyo Sweden. Dalka Sweden ayaa waxaa degen soomaali badan islamarkaasna ah dal soomaaliya uu xiriir wanaagsani kal sii akhri
Maamulka trump oo mamnuucay taageerida dadka la gumaadaayo ee reer falastiin.
Dowladdii sheegan jirtay Xoriyatul-Qowlka (freedom of speech) iyo qofku inuu shucuurtiisa iyo dareenkiisa wuxuu doonayo iyo wuxuu diidanyahayba cabiri karo qaab nabdoon ay u adkeysan weyday taageerayaasha falastiin ee xarkaha Goostay ayna ugu badanyihiin ardayda jaamacadaha. Jaamacadda Colombia oo noqatay ubucda ardayda diidan xasuuqa dadka reer falastiin iyo sidoo kale taageerada mareykanku ku taageerayaba ayaa hadda umuuqata mid ay u dulqaadan weyday dowladii mareykanka arday ayaa la xiray ,qaar baa tarxiil sugaaya ,qaar kalena dalku joogii ayaa lagala laabtay. Sida ka muuqata muuqaalka hoose hoghayaha arimaha debeda maalmulka trump”qof kasta oo ka qeyb qaata dhaqdhaqaaq lagu taageeraayo falastiin ama qoraal sii akhri
Darawal gaari oo kasoo jeeda Cadaado ayaa lagu dilay bar koontarool oo kutaal degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sakariye Shiekh Cali Carab Caalin oo ahaa darawal baabuurta xamuulka ah oo kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka galgaduud ayaa lagu dilay bar koontarool oo ku taal magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Badanaa dadka safarka ah oo ku safra wadadaan ayaa la kulma falal iskugu jira dhimasho,dhaawac,dhac iyo baad mana ahan markii ugu horeysay ee wadadaan dadka safarka lagu dhibaateeyo. horay waxaa deegaanka teedaan sidaan oo kale loogu dilay darawal gaari oo isaguna kasoo jeeda isla Cadaado waqti aan sidaas u sii fogeyn.
Weerar ku bilowday qaraxyo oo AS ay saakay ku weerartay deegaanka Massajid Cali gaduud ee gobolka Sh/dhexe .
kooxda alshabaab ayaa saakay aroornimadii weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadday deegaanka masaajid cali gaduud ee gobolka sh/dhexe oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada deegaanka iyo kuwa dowlada federalka soomaaliya. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo madax banaan maleyshiyaadkii weerarka soo qaadday waxaa usuurta gashay in ay la wereegaan deegaanka masaajid Cali gaduud halkaas oo ay iskaga carareen Ciidamadii dowladda iyo kuwii deegankaba. Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa,uud Xaaji Cirro ayaa Cadeeyey in Ciidanka dowlada iyo kan deegaankuba ka baxeen Cali gaduud isaga oo qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri”Mineey Cali gaduud Caawa ku hoydaan gabarteenuba guur ma leh. Weerarkaan sii akhri
Kooxda Alshabaab oo tira hoobiyaal ku garaacay degmada afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Alshabaab ayaa la sheegay iney tira hoobiyaal ah maanta duhurnimadii ku garaaceen degmada afgooye ee gobolka sh/hoose,muuqaalo laga soo duubay qeybo kamid ah degmada ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyada oo la arkayo dadka oo kala cararaayo kana gambana hoobiyaasha. Alshabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqyo ka waday gobolada shabeelooyinka iyaga oo qabsada deegaano horay ay uga saartay dowlada federalka soomaaliya sida:Awdheegle ,Bariire iyo Sabiib iyo Caanoole. wixii kusoo kordha halkaan isha ku haay.
Odayaal kasoo jeeda beesha duduble oo ka hadlay dagaalkii isbuucii hore ka dhacay deegaanka haan-labile ee gobolka galgaduud
Odayaal kasoo jeeda beesha duduble ayaa ka hadlay dagaal bartamihii isbuucii hore ka dhacay deegaanka haan-labile ee hoostaga deegaanka Qaayib ee gobolka galgaduud una dhexeeya Hamcaduur iyo Cali-shige. odayaashaan ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid udhexeeya labada qabiilka ee deegaanka dega ee uusan ahayn mid udhexeeya qabiilka gaar ah iyo Alshabaab. Waxaa la xaqiijiyey in dagaalkaan ay ka dhalatay ku dhawaad 10 qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac dhaawac ah una badan dadka kasoo duulay goobaha ay Al-shabaab xukumaan sida:Xiindheere, Xagaray,Xingaduud,Qurdhubaanle , oodan iyo deegaanada ku xeeran. masuuliyiin ka tirsan dowlada federalka soomaaliya waxay sheegeen in dadka sii akhri
Guddiga Gurmadka abaaraha degmada Cadaado ayaa deeq biyo ah gaarsiiyey deegaanka Hamcaduur oo hoostaga deegaanka Qaayib ee gobolka galgaduud.
Hamcaduur(Qaayib Online) – Guddiga Gurmadka abaaraha degmada Cadaado ayaa maanta oo jimco ah deeq biyo ah gaarsiiyey deegaanka Hamcaduur oo hoos taga deegaanka Qaayib ee gobolka galgaduud bartamaha soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa ka mahad-celiyey deeq daan biyaha ah iyaga oo bogaadiyey dadkii muxsiniinta ahaa ee ku deeqay. Dadka deeganadaan degen ayaa waxaa isku darsamay Abaaro iyo Colaado daba dheeraaday oo saameyn ba,an ku yeeshay deegaanadaan iyo kuwo ku xeeran intaba.
Ciidanka Suudaan oo Qabsaday Qeybo Badan Oo kamid ah magaalada Khartoum Qasriga madaxtooyaduna kamid yahay
Khartuum(Qaayib Online)- Ciidanka suudaan ayaa subaxnimadaan jumco ah ku dhawaaqay inay gabi ahaanba qabsadeen Qeybaha ugu muhiimsan caasimadda suudaan ee Khartoum aqalka madaxtooyaduna ugu muhiimsanyahay halkaas oo mooryaanta janjawiidku qabsadeen labo sano ka hor bilowgii curashada dagaalka ka qarxay suudaan. Wasiirka warfaafinta oo ku hadlaaya magaca xukuumadda suudaan ayaa yiri”Maanta calanku wuxuu ka dul babanaa qasriga madaxtooyadda guuluhuna waa kuwo sii socan doona”,sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka suudaan ay la wereegeen goobo ku hareereysanaa aqalka madaxtooyadda oo ay kamid ahaayeen wasaarado iyo goobo kale oo muhiim ah. Telefishinka wadanka suudaan ayaa bilaabay baahinta heesaha wadaniga ah ee halganka ,gobonimda sii akhri
Dabkii ka kacay magaalada los angeles oo la xakameyn waayey
Dabkaan oo talaadadii la soo dhaafay ka kacay magaalada los angeles ee gobolka california mareykanka ayaa u muuqda mid aan la xakameyn karin kuna faafay deegaano hor leh dabka ayaa burburiyey guryo ay degenaayeen dad maalqabeen oo ubadan aktarada filimada hollywood-ka mareykanka sida james woods. james woods wuxuu ka soo muuqday warbaahinta CNN isaga oo ilmeynaya kan xun wixii soo gaaray gurigiisa oo guud ahaanba uu dabku baabiyey. muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaaya james woods oo ilmeynaya iyo sidoo kale qoraal uu sanadkii tegay ku daabacay bartiisa “X” isaga oo taageersanaa in aan xabad-joojin laga sameyn magaalada qassa sii akhri
Wax-garadka deegaanka Qaayib oo ka hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaanka.
#Qeyladhaanta_Reer_Qaayib…..Deegaanka Qaayib wuxuu ahaa deegaan hormar badan sameeyey oo soo kobcaayey lkn waxaan saameeyey dagaaladadii ka dhacay. Maanta Qaayib baad maleh, biyo maleh, caafimaad maleh, shirkad isgaarsiin maleh, ceelkii biyaha maleh, school maleh iyo wax kasta oo ay nolasha bini’aadantinimadu ku tiirsantahay ama ay ubaahantahay maanta kama jiraan oo waa nolal liidata. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dowladda Federaalka ah, maamulka Galmudug, maamulka degmada Cadaado, hay’adaha kheyrigaa ama gargaarka, ganacsatada, dadka muxsiniinta ah, dadka kasoo jeeda magaaladaas oo dunida daafaheeda jooga iyo qofkasta oo wax heysta awoodana inuu dadkaas wax uun ku caawiyo waxaan ugu baaqayaa iney deegaankaas ugur madaa. Waxaan sii akhri