kooxda alshabaab ayaa saakay aroornimadii weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadday deegaanka masaajid cali gaduud ee gobolka sh/dhexe oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada deegaanka iyo kuwa dowlada federalka soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo madax banaan maleyshiyaadkii weerarka soo qaadday waxaa usuurta gashay in ay la wereegaan deegaanka masaajid Cali gaduud halkaas oo ay iskaga carareen Ciidamadii dowladda iyo kuwii deegankaba.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa,uud Xaaji Cirro ayaa Cadeeyey in Ciidanka dowlada iyo kan deegaankuba ka baxeen Cali gaduud isaga oo qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri”Mineey Cali gaduud Caawa ku hoydaan gabarteenuba guur ma leh.

Weerarkaan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aan wali laga heynin tira koob rasmi ah.

Mudooyinkii ugu dambeeyey ayey maleyshiyaadka alshabaab waxay joogto ka dhigeen weerarada ay ku beegsadaan xeryaha ciidamada xilliga arooryaad,iyagoo Dib u qabsaday deegaano badan oo horay looga saaray labadii sano ee lasoo dhaafay.

weerarkaan ayaa kusoo aadaya xilli uu madaxweynaha soomaaliya uu jooga cadalle si uu u dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

You May Also Like

More From Author

+ There are no comments

Add yours