#Qeyladhaanta_Reer_Qaayib…..Deegaanka Qaayib wuxuu ahaa deegaan hormar badan sameeyey oo soo kobcaayey lkn waxaan saameeyey dagaaladadii ka dhacay.

Maanta Qaayib baad maleh, biyo maleh, caafimaad maleh, shirkad isgaarsiin maleh, ceelkii biyaha maleh, school maleh iyo wax kasta oo ay nolasha bini’aadantinimadu ku tiirsantahay ama ay ubaahantahay maanta kama jiraan oo waa nolal liidata.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dowladda Federaalka ah, maamulka Galmudug, maamulka degmada Cadaado, hay’adaha kheyrigaa ama gargaarka, ganacsatada, dadka muxsiniinta ah, dadka kasoo jeeda magaaladaas oo dunida daafaheeda jooga iyo qofkasta oo wax heysta awoodana inuu dadkaas wax uun ku caawiyo waxaan ugu baaqayaa iney deegaankaas ugur madaa.

Waxaan dowladda Federaalka ah oo dalka dhan masuul ka ah waa iney deegaankaas gaarsiiso dhamaan wax yaabaha aas-aasigaa oo ay dadkaas ubaahanyihiin sidokalana ay gaarsiiso barnaamijka qaran ee xasilinta deegaanada dagaaladu ka dhaciin.

Sidokale waxaan maamulka Galmudug oo ay deegaan kaas si toos ah uhoostago ugu baaqayaa inuu inuu ka gaaro dadkaas mas’uuliyaddiisana guto kana shaqeeyo iney hay’adaha maamulka iyo hay’adaha gargaarka tagaan deegaankaas.

Waxaan shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ugu baaqeynaa iney shirkadda xarunteeda hirgaliso oo ah nolasha dadkaas sababtoo ah deegaanadaas majirto lacag shilin soomaali ah oo laga isticmaalo dadkaasina waxay ku qasbanyihiin iney isticmaalaan lacagta danabeysan ee EVC sidaas darteedna dadkaas waxaa heysa isgaarsiin la’aan oo shirkaddu ma dayactirin xaruntii magaaladaas inagoo waliba og dhamaan xarumihii deegaanadaas oo ay dhibtu soo gaartay ay shirkaddu dib’udayactir usameysay waliba si deg deg ah marka laga reebo magaaladaan.

Waxaan sidokale umahadcelinayaa qofkasta oo ka shaqeeyey in magaaladaas latago dhibka ka jirana lasoo ban-dhigo.ReerQaayib waxaay ubaahanyihiin gurmad deg deg ah.

xuquuqda muuqaalka waxaa leh Hassan Qasaaro.

You May Also Like

More From Author

+ There are no comments

Add yours