Dowladdii sheegan jirtay Xoriyatul-Qowlka (freedom of speech) iyo qofku inuu shucuurtiisa iyo dareenkiisa wuxuu doonayo iyo wuxuu diidanyahayba cabiri karo qaab nabdoon ay u adkeysan weyday taageerayaasha falastiin ee xarkaha Goostay ayna ugu badanyihiin ardayda jaamacadaha.
Jaamacadda Colombia oo noqatay ubucda ardayda diidan xasuuqa dadka reer falastiin iyo sidoo kale taageerada mareykanku ku taageerayaba ayaa hadda umuuqata mid ay u dulqaadan weyday dowladii mareykanka arday ayaa la xiray ,qaar baa tarxiil sugaaya ,qaar kalena dalku joogii ayaa lagala laabtay.
Sida ka muuqata muuqaalka hoose hoghayaha arimaha debeda maalmulka trump”qof kasta oo ka qeyb qaata dhaqdhaqaaq lagu taageeraayo falastiin ama qoraal ahaan ku taageeraa fisaha ayaan ka kansaleynaa dalkiisii ayaana u celinaynaa”.
Maamulkii jaamacadda Colombia ayey dowladu badashay iyadoo uga gol leh iney wax ka qaban weyday dhaqdhaqaaqyada ardayda ee ka sameysmay jaamacadda dhexdeed,sidoo kale maamulkuna waxay ardayda usheegeen in ardaydu ay joojiyaan nuuc walba oo lagu taageeri karo falastiin”arday waxlba waa inuusan ka qeyb qaadan banaanbax ama nuuc kasta oo taageero ah waana inuu nadiifiyaa barihiisa bulshada haddii uu hadda ka hor wax uu ku taageeraayo falastiin ku qoray ,Cid dowlada idin kala hadli karta oo idin badbaadin karta ma jirto”.
Sida muuqata waxaa bilowday raafka ay ciidanku raafaayaan ardayda xitaa hadii uu wato calanka falastiin,waxaa la arkaayey muuqaalo si arxan darro ah ay ciidanka maamulka trump xirid iyo jirdil iskugu daraayaan ardayda qaar ka mid ah.
waxaa la arkaayey ardayda qaar oo jeexjeexaaya shahaadooyinkoodii iyaga oo ku cabiraaya sida ay uga xun yihiin damiirkooduna uqaadan la,yahay in dad masaakiin loo geysto xasuuq wadareed,waxyaabaha yaabka leh waxaa kamid ah yuhuud aan la dhacsaneyn qaabka indha la,aanta ah ee uu mareykanku ugu taageeraayo hubka sida ba,an wax ugumaada ee hooyada iyo aabaha ku jira guryaha cooshadaha ka sameysan lagu garaacaayo,
waxaa kale oo la yaab leh in dunida muslimka ah aysan ka jirin dhaqdhaqaaqyadaan oo kale oo aadba isleedahay mala wey hurdaan halka ardayda cadaanka ahi aad arkyso iney sameynayaan banaan bax ,shahaadooyinka jeexjeexayaan,qaarkood la xirayo bal ka warran haddii ay joogi lahaayeen dowlad muslimka ,kama hadlaayo dowlaha raacsan mareykanka ee ku taageera gardarada sida Masar oo kale majiro muwaadin masri ah oo ubanaan bixi kara qadiyadda dadka reer falastiin waana heer ay gaarsiisay xukuumadda siisii,dowladaha muslimka ah oo dhanna waa lamid markii laga reebo wadamo fara ku tiris ah.
Isbuucii la soo dhaafay ardayad Turki ah oo dhiganaysa mid kamid ah jaamacadaha mareykanka ay ciidanku qabteen iyadoo usocata gurigeeda ,iyagoo ku eedeynaya iney qoraal taageerid ah ay ku qortay mid kamid ah baraheeda bulshada.
Si guud maamulka trump ayaa la soo baxay siyaasado Cusub oo ay ku aamusinaayaan guuxa dadweynaha iyo taageerada falastiiniyiinta.
Waxaa la qiyaasayaa in laga soo bilaabo 7-dii October 2023 ilaa iyo hadda in maamulka yuhuudda iyo xulufadeeda oo uu mareykanku ugu horeeyo ay Gaza kaliya ku dileen in ka badan 50,000 oo qof(Konton Kun oo Qof ) dhaawacu waa tirabeel ,go,doominta ,gaajeysiinta iyo gabood falladu waxay ahaayen kuwii u gogol xaaraaya in gabi ahaanba laga sifeeyo wax lagu magacaabo reer falastiin laakiin Alle ayaa koonkaan maamula iskaga ayaana og meesha wax walbaahi ku dhamaan doonaan.
+ There are no comments
Add yours