dowladda soomaaliya ayaa ceyrisay safiirkii dowladda sweden u fadhiyey soomaaliya anna Saleem Högberg iyada oo ku eedeysay iney faragelin ku sameysay arimaha gudaha ee soomaaliya
wargeyska global bar ayaa qoraal uu daabacay ku sheegay in ceyrinta mss Högberg persona non grata oo loo adeegsado qofka aan dalka laga rabin.
warbixinta ayaa intaas kusii dartay in khilaaf xooggan uu udhexeeyey Högberg iyo xafiiska Ra,iisal wasaaraha soomaaliya soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyada oo la saadilanayo in arintaani ay noqan karto mid xumeysa xiriirka udhexeeya Soomaaliya iyo Sweden.
Dalka Sweden ayaa waxaa degen soomaali badan islamarkaasna ah dal soomaaliya uu xiriir wanaagsani kal dhexeeyey inkasta oo hadda laga yaabo inuu saameeyo eryidda ay dowladda soomaaliya erisay safiirkii dowladda Sweden u fadhiyey soomaaliya.
+ There are no comments
Add yours