Dabkaan oo talaadadii la soo dhaafay ka kacay magaalada los angeles ee gobolka california mareykanka ayaa u muuqda mid aan la xakameyn karin kuna faafay deegaano hor leh
dabka ayaa burburiyey guryo ay degenaayeen dad maalqabeen oo ubadan aktarada filimada hollywood-ka mareykanka sida james woods.
james woods wuxuu ka soo muuqday warbaahinta CNN isaga oo ilmeynaya kan xun wixii soo gaaray gurigiisa oo guud ahaanba uu dabku baabiyey.
muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaaya james woods oo ilmeynaya iyo sidoo kale qoraal uu sanadkii tegay ku daabacay bartiisa “X” isaga oo taageersanaa in aan xabad-joojin laga sameyn magaalada qassa ee falastiin, fariintaani ayaa ahayd sida aad sawirkaan ka aragtaan

Arinka jilaagaan si weyn ayey dadyowga dunida uga falceliyeen qaarkoodna tilmaameen in sahaayinadu aysan wax-damqasho iyo naxariis ah laheyn laakiin markii iyaga wax yar ku dhacaan sida guriga inuu ka gubtay oo aad uga muragoonaayaan halka dad maalin kasta duqeymaha diyaaradaha yuhuuddu ay leynayaanna aysan wax jixin-jix ah u heyn oo ayba ku baaqaayaan in loo sii badiyo dhibaatada ay wajahayaan dadka reer falastiin.
dhanka kale dabka ayaa ku faafay xarunta filimaanta mareykanka ee hollywood waxaana la saadaalinayaa inuu gabi ahaanba uu baabin doono maadaama aan ilaa iyo hadda la xakameyn karin .
Dabeylo xoogan oo dabka dhinaca kasta u wada iyo u diyaarsanaan la,aaan ayey sheegeen waaxda dabdamiska los angeles iney sababtay in dabku faafo.
dhimashadu ilaa iyo hadda waa 10 qofood , barakaca kumanaan qofood oo guryahooda dabka ku habsaday ayaa laga diiwaan geliyey dabkaan taladadii ka kacay xaafada palasides ee magaalada los angels gobolka california mareykanka.
booliska magaalada LA ayaa sheegay iney qabteen nin lagu tuhunanyahay inuu dab ka kaci rabay goobo hor leh ninkaan ayaa la sheegay inuu ku jiro saldhigga booliska.
dabkaan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa dabkii ugu baaxada weynaa ee abid ka kaca gobolkaan california geystana burburka iyo khasaarada hantiyadeed oo aad ubadan
+ There are no comments
Add yours