Khartuum(Qaayib Online)- Ciidanka suudaan ayaa subaxnimadaan jumco ah ku dhawaaqay inay gabi ahaanba qabsadeen Qeybaha ugu muhiimsan caasimadda suudaan ee Khartoum aqalka madaxtooyaduna ugu muhiimsanyahay halkaas oo mooryaanta janjawiidku qabsadeen labo sano ka hor bilowgii curashada dagaalka ka qarxay suudaan.
Wasiirka warfaafinta oo ku hadlaaya magaca xukuumadda suudaan ayaa yiri”Maanta calanku wuxuu ka dul babanaa qasriga madaxtooyadda guuluhuna waa kuwo sii socan doona”,sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka suudaan ay la wereegeen goobo ku hareereysanaa aqalka madaxtooyadda oo ay kamid ahaayeen wasaarado iyo goobo kale oo muhiim ah.
Telefishinka wadanka suudaan ayaa bilaabay baahinta heesaha wadaniga ah ee halganka ,gobonimda iyo wax iska celinta tilmaamaya, ciidanka suudaanna amaanaya kadib markii ay ka sifeeyeen meelaha ugu muhiimsan caasimadda kooxihii mooryaanta ahaa ee imaaraadku taageeraayey ee RSF(janjawiid).
Axadii hore ilaa iyo maanta Ciidanka suudaan waxay dagaal aan kala joogsi lahayn ku dhexmaraayey calooshood-ushaqeystayaasha imaaraadku taageero caasimadda suudaan halkaas oo ugu dambeyntii looga qabsaday goobo istaraatiiji ah.
Sidoo kale gobolka aljazeera waxay ciidanka suudaan dib ula wereegeen deegaanada xabiiba iyo faraajiin oo dhaca gobolka aljazeera oo badi ku jira gacanta ciidanka suudaan marka laga reebo meelo yaryar oo ay Weli uga sugan-yihiin kooxaha calooshood ushaqeysatayaasha ah ee imaaraadka carabtu taageerto ee janjawiidka.
+ There are no comments
Add yours