warar

Xuutitiinta yaman oo sheegay iney bartilmaameedsadeen garoonka bin guuriyam.

(QAAYIB MEDIA)-xuutiyiinta yaman ayaa maanta oo jimce ah sheegay iney gantaal la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee binguuriyam. afhayeenka jamaacadda ansaari-laahi ayaa sheegay in baltimaameedkooda uu ahaa mid sidii loogu talagalay ufulay iyaga uga jawaabaaya duqeymihii diyaaradaha yuhuudu ay la beegsadeen sanca iyo xuddeyda, iyaga oo sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan bartilmaameedsiga gumeysaha yuhuudda. Hadal laga sii daayey telefishinka ayuu yaxye sariic (afhayeenka jamaacadda ansaari-laahi) wuxuu sheegay in gantaalku gaaray bartilmaameedkiisii saxda ahaa inkasta oo ay yuhuudu qariyeen , waxaa sidoo kale howlgalkaanu ka dhashay burburka diyaarad drone ah . yaxya al-sariic wuxuu sidoo kale sheegay in la bartilmaameedsaday sii akhri

warar

Dad safar u ahaa gobolada dhexe ee soomaaliya Oo dhowr bari ku xayiran galgalato oo ah Banaaanka magaalada muqdisho.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ku xayiran duleedka magaalada muqdisho gawaari iyo dad Shacab ah oo u safraayi gobolada dhexe ee soomaaliya,sababta xayiraadaan ka dambaysa ayaa lagu Sheegay in koox burcad ah ay oo la baxay Dallada gobolka banaadir ay isbaaro dhigteen si ay ugu Xaadaan dadka shacabka ee adeegsada wadadaan deexda oo ah wadada ugu adeegsiga badan ee isku Xirta koonfurta iyo bartamaha soomaaliya. Muuqaalo iyo sawiro baraha kala duwan ee bulshada la soo geliyey ayaa muujinaaya gawaari aad ufara Badan oo taagan isbaarada taala galgalato iyo sidoo kale dad shacab ah oo isku jira ilmo iyo sii akhri

Blog

BUUGGA RICH DAD POOR DAD EE UU QORAY Robert Kiyosaki.

Buuggaan oo kamid ah buugaagta laga qoray lacagta kuwooda ugu horeeya ayuu qoraagu wuxuu uga hadlayaa dhinacyo kala duwan sida :ku kala duwnaanta aragtida lacagta,Shaqaalanimada,Nidaamka socialism iyo Capitalism-ka ,Nidaamka iskuulada iyo jaamacadaha oo ku dhisan Casrigii warshadaha,kala saaridda dakhliga iyo deynta,Hal abuurida ganacsi kuu gaar ah iyo talo iyo tusaalooyin ay tahay in qofku raaco. Aragtida lacagta dadku waa kukala duwan yihiin iyadoo ugu wacantahay habkii loo soo baray, Caruurto waxay badanaa qaataan habka Waalidiintoodu u arkaan lacagta,sida sameynta, maareynta,qarash gareynta intaba .Waalidiinta qaar waa kuwo aaminsan shaqa iyo shaqaalemada,in ay ilmahooda iskuul geeyaan,kadibna jaamacad si uu ubarto takhasus gaar sii akhri

warar

Soomaaliya iyo itoobiya oo gaaray heshiis hordhac ah oo kusaleysan is afgaradkii bilowgii sanadkaan ay yeesheen hugaamiyaha somaliland iyo aby ahmed.

wadahadaladaan oo ay dowladda turkigu dhexdhexaadin ka ahayd ayuu kulankaanu kamid ahaa oo ay isku arkeen ra,iisal-wasaaraha itoobiya iyo madaxweynaha soomaaliya. kulanku wuxuu daarnaa sidii loo dhameyn khilaafkii iyo isqabqabsigii ka dhaxeeyey soomaaliya iyo itoobiya maadaama ay itoobiya sameysay gaf cad oo ay rabtay iney xoogg ku qabsato dhul soomaaliyeed iyadoo markii horeba heysatay dad iyo dal soomaaliyeed. aby ahmed mowqifkiisa ku aadan qabsashada dhul soomaaliyeed waa mid cad oo aan gambasho laheyn , maadaama uu aaminsanyahay in soomaaliya 60% wax ka badan uu gacanta ku hayo in uu siduu doono yeeli karo maanta maalin uu ka fursad fiicanyahya aysan sii akhri

warar

Ciidamadii dowladda soomaaliya ee raaska la geeyey oo noqday kuwa isku dhiiba ciidanka kiiniya iyo kuwo ugacan galay jubaland.

ciidamadda dowladda federaalka soomaaliya oo dhow isbuuc ka hor la geeyey deegaanka raas-kambooni ayaa maalmihii udambeeyey wajahaayey dagaalo goos goos ah oo uga imaanaaya dhanka maamulka jubaland. dagaalkii ugu dambeeyey ee shalay dhacay wuxuu uga duwnaa isku dhacyadii hore inuu aad uga xoogganaa uuna sababay in ciidamadii ay dagaalka ku jabaan , qaar ka mid ah ciidanka uu isku dhiibo ciidamada xuduudda kiiniya qaar kalena ay ugacan galaan maamulka axmed madoobe. sawiro iyo muuqaalo baraha bulshadda lagu faafiyey ayaa la arkayey ciidanka oo gacmaha kor u taagaaya qoryahana tiriyey kadib jabkii ka soo gaaray dagaalkii shalay. lama oga illaa iyo sii akhri

warar

Dagaal udhexeeya ciidamadda dowladda fedederaaalka soomaaliya iyo ciidanka maamul-goboleedka jubaland oo saaka ka dhacay meel udhow degaanka Raaskambooni ee gobolka j/hoose.

warar hordhac ayaa sheegaaya in meel udhow deegaanka raaskambooni uu ka dhacay dagaal udhexeeya ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo ciidanka maamulka jubaland. habeenimadii xalayba waxaa deegaankaan laga dareemaayey xiisad kacsanaan ah oo la filayey in dagaal toos uu dhexmari doono dhinacyada isku horfadhiya. waxaa la soo warinayaa in dagaalkaan saakay uu geystay qasaaro naf iyo maalba leh oo labada dhinac ah labada dhinac guulo ayey kala sheeganayaan walow aan si dhab ah loo ogeyn. wixii ku soo kordha halkaan isha ku haay

warar

MUCAARADKA SUURIYA OO GALAY MAGAALADA DIMISHIQ EE CAASIMADDA DUURIYA.

bashaar al-asad ayaa la sheegayaa inuu ka baxay dimishiq uuna afka saaray jiho aan la ogeyn ama la cadeyn. Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaaya garoonka diyaaradaha dimishiq oo haawanaaya kadib markii ay iskaga baxayn ciidamadii nidaamka nuseyriga calawiga ah ee joogay. waxaa muuqata in kacdoon wadayaashu ay gaareen guulo isdaba joog ah haddana ay sii wadaan si gabi ahaanba wadanka oo dhan ay ula wereegaan. (فَقُطِعَ دَابِرُ الْقَوْمِ الَّذِينَ ظَلَمُوا ۚ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ)

warar

mucaaradka suuriya oo qabsaday magaalooyin hor leh

mucaaradka suuriya ayaa ka qabsaday isbaheysiga shiicada iiraan iyo ciidamadda ruushu taageero ee bashaar al-asad magaalooyin iyo tuulooyin hor leh . kacdoonka suuriya oo loogu magac-daray radul-cudwaan ayaa umuuqda mid maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaaya raja badana geliyey guud ahaan shacabka suuriya oo malaayiin ay dishay ,malaayiin kalana barakicisay xukuumadda kaligii taliska ah ee basahaar al-asad iyo dowladaha taageera ee iiraan iyo ruushka .

warar

Mucaaradka Suuriya oo qabsaday magaalooyin istiraatiiji ah

mucaaradka suuriya oo dhawaan ka qabsaday maleyshiyaadka iiraaniyiinta iyo ciidanka bashaar al-asad ee ruushku taageero magaaladda xalab oo ah magaalo taariikhi ah sidoo kalana istiraatiiji ah . waxaa la arkaayey kacdoon wadayaasha iyaga oo ku dabaal degaayaa magaalada xalab sidoo kalana ka adimaaya masaajidda oo aan sanooyin badan laga adimin isuna badalay goob qashin qub ah masaajidka weyn ee macaratu_nucmaan wuxuu ka mid ahaa masaajiddii ugu waaweynaa dalka suuriya ayey kooxaha kacdoonku ka adimeen iayaga oo ku faraxsan iney ugacan gashay magaaladda taariikhiga ah ee xalab . sidoo kale waxay mucaaradku gaareen magaaladda xamaad oo kuwaad 140 killowmitter uga beegan sii akhri